Natiijada tartankii xalay dhexmaray dugsiyada sare ee Muntadda Qardho, Burtine Secondry, Sh. Xamdaan Bossaso iyo Alnuur Baran.

Bossaso, Aug, 12 – Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee ay ku tartamayaan dugsiyada sare ee ku yaalla deegaanada Puntland ayaa xalay waxaa qaybta hore ee barnaamijka ku tartamay dugsiyada sare Muntadda Qardho iyo Burtinle Secondry, waxaana 11 buundo ku badiyey dugsiga Muntadda Qardho, halka Burtinle Secondry uu helay 7 buundo waxaana sidaasi 3-dii dhibcood ku qaatay dugsiga Muntadda. Labadan dugsi waxay ku wada jiraan (group-ka A).

Sidoo kale waxaa tartan kaas la mid uu qaybtii dambe ee barnaamijka dhexmaray dugsiyada sare ee Sh. Xamdaan Bossaso iyo Al-nuur Baran, waxaana 11 buundo ku badiyey dugsiga Sh. Xamdaan halka Al-nuur Baran uu helay 8 buundo waxaana sidaasi guushu ku raacday oo 3-dii dhibcood helay dugsiga Sh. Xamdaan. Waxayna labadan dugsi ku wada jiraan (group-ka B).

Afarta dugsi ee xalay tartamay waxay horay u soo tartameen min hal jeer, waxaana u dhimman min hal tartan oo kale kaas oo ah kan loogu gudbayo wareegga labaad. Waxaana wareegga labaad u soo baxaya group walba labada dugsi ee ugu dhibcaha bata.

Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee Radio Daljir ayaa waxaa iska kaashanaya qabashadiisa, shirkadda isgaarsiinta ee Golis, daladda waxbarashada ahliga ah ee Puntland (Pen), wasaaradda waxbarashada Puntland iyo Radio Daljir.

Barnaamijka waxaa caawa ku tartami doona qaybta hore dugsiyada Gambool Garoowe iyo C/laahi Ibraahim Ufayn oo wada jira group-ka C, iyo Shaafici Bossaso iyo Nawaawi Qardho oo ku wada jira (group-ka D) oo iyaguna tartami doona qaybta labaad ee barnaamijka haddii Alle idmo.

Diiwaanka Wararka
Daljir, Bossaso

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com