Natiijada shirkii deg dega ahaa ee madaxda urur goboleedka IGAD.

Hoggaamiyaasha urur goboleedka IGAD ayaa jimacadii isugu yimid shir Madaxeed deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, iyo wakiilada dalalka iyo ururrada kale ee caalamiga ah ay kaga arrinsanayeen xasaradda ka aloosan Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed.
 
Madaxda gobolka ayaa isku raacay in Suudaanta Koonfureed loo diro ciidamo ka socda gobolka kuwaas oo farogeliya xaaladda ka sii daraysa ee dalkaas.
 
Xoghayaha guud ee IGAD Eng. Maxbuub Macalim ayaa saxaafadda u sheegay in Xukuumadda Suudaanta Koonfureed oggolaatey in ciidamo farogelin ku sameeya loo diro, Maxbuub ma caddeyn mandate-ka rasmiga ah ee ciidankaasi qabanayo, waxaase uu sheegay in ay faro-gelinayaan xaaladda dalkaas oo qarka u saaran mar kale in ay ka dhacdo dhimasho aad u badan iyo barakac kadib markii uu bur-burey heshiskii Kiir iyo Machar.
 
Suudaanta Koonfureed waxaa hadda ku sugan in ka badan 12 000 oo askeri oo ka socda Qaramada Midoobey kuwaas oo ku hawlgalaya UNMISS, waxaana lagu canbaareeyey in aysan xaaladda waxba ka qaban, dadka rayidka ahna hortooda lagu dhibaateeyo.
 
Xoghyaha guud ee IGAD Maxbuub ayaa sheegay in ciidamada loo dirayo ay hirgelin doonaan heshiiskii August 2015, waxaana la horgeyn doonaa Qaraar lagu ansixinaayo Golaha Amaanka.
 
Bishii Luuliyo waxaa caasimadda Suudaanta Koonfureed ee Jubba ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo kala taageersan Salva Kiir Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed iyo kx-xigeenkiisa Riek Machar, dagaalkaas ayaa burburiyey heshiiskii Adis Ababa, waxaana Salva Kiir mar labaad xilkii ka qaadey Machar oo dib ugu noqdey meelaha ay ku badan yihiin tageerayaashiisu.
 
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shirka ka qaybgalay, waxaana uu ka soo tegey shir muhim ah oo looga hadlaayey doorashooyinka Soomaaliya, ilo ku dhaw shirka ayaa sheegaya in hoggaamiyaasha IGAD ay si gooni ah ugala hadleen Xasan Shiikh xaaladda Soomaaliya gaar ahaan hirgelinta doorashooyinka oo u muuqda kuwo aan waqtigii loogu talo galay ku qabsoomeyn.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com