Natiijada doorashada madaxtinimo ee Somaliland oo la shaacinayo maanta

HomeWararka

Natiijada doorashada madaxtinimo ee Somaliland oo la shaacinayo maanta

Waxaa maanta la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxtinimo ee ka dhacday deegaamada Somaliland, sida laga soo xigtay guddiga doorashooy

Diyaargarowga Ciidda ee Magaalada Bossaso (warbixin iyo sawirro)
Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare Rooble: “Waxaa ku baaqayaa in loo midoobo la-dagaalanka Al-Shabaab”

Waxaa maanta la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxtinimo ee ka dhacday deegaamada Somaliland, sida laga soo xigtay guddiga doorashooyinka ee Somaliland oo xalay la hadlay warbaahinta.

Wararka ayaa sheegaya ammaanka deegaamada Somaliland gaar ahaana magaalooyinka waawayn in si’aad ah loo adkeeyey oo ciidamo badan la dhigay waddooyinka.

Guddoomiyaha xisbiga Wadani ayaa u sheegay xalay warbaahinta inaanay aqbali doonin natiijada maanta la shaacinayo ee doorashooyinkii dhacay, iyadoo ay isa soo tarayeen walaaca xisbigu uu ka qabo doorashooyinka in lagu shubtay oo aanay u dhicin si xalaal ah.

Doorashadii kadhacday Somaliland ayaa waxaa u tartamay sadex xisbi oo ay kala hogaaminayeen Cabdiraxmaan Cirro xisbiga Wadani katirsan, Muuse Biixi xisbiga haya talada ee Kulmiye iyo UCID oo uu u sharaxnaa Faysal Cali Waraabe.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: