Nabadoonada gobolka Bari oo soo saaray baaq ka kooban 7 qodob oo ku salaysan sugida and adkaynta amniga ee Bossaso.

Bossaso, Aug 04 – Shir wadatashi ah oo 2 maalmood uga socday magaalada Bossaso nabadoonada gobolka Bari ayaa laga soo saaray talooyin iyo go’aano ku saabsan adkaynta iyo sugidda amniga.

Qoraalka Nabadoonada gobolka Bari ayaa u dhigan sidan:


Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed.
Xafiiska iskaashiga iyo xiriirka nabadoonada Gobolka Bari.
Date: 02/08/2010

Ku: Guddoomiyaha Gobolka Bari, Bossaso.
Ku: Duqa Degmada Bossaso, Bossaso.
Og: Wasiirka Amniga ee Dawladda Puntland, Bossaso.
Og:Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dawladda Hoose iyo Horumaarinta Reer Miyiga ee Puntland, Bossaso.
Og: Isku duwaha D/hoose ee Gobolka Bari, Bossaso.

Ujeeddo Talo Soo jeedin Nabadgelyada Magaalada Bossaso.

Mudanayaal,
Kadib shirkii soconaayey labada maalmood ee 31/07/2010 ilaa 01/08/2010 shirkaasi oo ay isugu yimaadeen Nabadoonada gobolka Bari; Shirkaasi oo lagu falanqaynaayey arrimaha nabadgelyada iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha amni ee Degmada.

Waxay Nabadoonada Gobolka Bari garowsadeen in ay lagama maarmaan ay tahay in si wada jir ah loo wajaho sidii looga hortagi lahaa wixii amni xumo ah.

Hadaba Nabadoonada Gobolka Bari waxa ay soo bandhigeen talo soo jeedinno ku aadan hagaajinta iyo sugidda nabadgelyada degmada Bossaso, iyadoo Alle lala kaashanaayo SWT.

Waana sidan hoos ku cad:
1. In bulshada degmada Bossaso loo sameeyo wacyigelin guud.
2. In la abuuro guddi xiriiriya maamulka iyo shacabka, Guddigaasi oo isugu jira qaybaha bulshada.
3. In la tayeeyo 16-ka xaafadood ee ay magaalada Bossaso ka kooban tahay, sidii loo sugi lahaa amniga xog rasmi ahna looga heli lahaa dad weynaha ku nool Magaalada.

4.In la kala xaqiijiyo dadka la saarayo lana kala ogaado dhibwadayaasha iyo kuwa aan dambiga lahayn.
5. In la sameeyo ciidan madani ah oo u khaas ah degmada Bossaso, Ciidankaasi oo ah mid muuqda iyo mid qarsoon labadaba.
6. In ganacsatada iyo muwaadiniinta loo daayo hubkooda ay ku ilaashadaan naftooda iyo maalkooda isla markaana hubkii horay looga qaaday loogu soo celiyo si sahlan.
7. In arrimaha amniga degmada uu maamulku kala tashado acyaanta magaalada sida Isimada, Cuqaasha, Culimaa’udiinka, ganacsatada iyo IWM.

Saxiixyada Nabadoonada Soosaary Talo soojeedinta

Nab. C/Qaadir Axmed Ibraahin -Guddoomiye- ________________
Nab. Yuusuf Faarax Calicade -Xoghaye- __________________
Nab. Maxamed Cumar Cismaan -Xubin- __________________
Nab. Saalax C/Salaan Axmed -Xubin- __________________
Nab. Bootaan Dhawre Ismaaciil -Xubin- _________________??_
Nab. C/laahi Cawad Cali -Xubin- __________________
Nab. C/lle Yuusuf Cumar -Xubin- __________________
Nab. Faarax Salaad Cubayd -Xubin- __________________
Nab. Abshir C/raxmaan Dhegcas -Xubin- __________________
Nab. Liibaan Cismaan Saalax -Xubin- __________________
Nab. Yuusuf Faarax Maxamed -Xubin- __________________
Nab. Cabdi Geelle Nuur -Xubin- __________________
Nab. Axmed Cali Siciid -Xubin- __________________
Nab. C/siis Maxamud Yusuf -Xubin- __________________
Nab. Ciise Yuusuf Mataan -Xubin- __________________
Nab. Maxamuud Jamac Maxmed -Xubin- __________________
Nab. Shire Siciid Maxmuud -Xubin- __________________
Nab. Maxamud Casayr C/lle -Xubin- __________________
Nab. Siciid Cumar Kaashwito -Xbin- __________________
Nab. Xirsi Waaberi Nuux -Xubin- _________________
Nab. Maxamed Cumar Faatax -Xubin- __________________
Nab.Cali Cismaan Willdhale -Xubin – __________________

Mahadsanidin

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com