Nabadoon Yaasin Cabdi Samad: “Ha la soo xulo baarlamaan tayo leh oo aan biil raadis ahayn” (dhegayso)

HomeWararka

Nabadoon Yaasin Cabdi Samad: “Ha la soo xulo baarlamaan tayo leh oo aan biil raadis ahayn” (dhegayso)

Nabadoon Yaasiin Cabdisamed oo kamid ah nabadoonada Puntland ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu kaga hadlay xulista baarlamaanka cusub ee Pun

Ciidamadda Dowladda oo Alshabaab kala wareegay degaano cusub
Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaalle (Madar), Daljir Bossaso (dhegayso)
Dowladda Puntland oo soo saartay awaamiirta ammaanka doorashada Puntland (Daawo/Akhriso)

Nabadoon Yaasiin Cabdisamed oo kamid ah nabadoonada Puntland ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu kaga hadlay xulista baarlamaanka cusub ee Puntland oo hadda xulistiisa gacanta lagu hayo iyo xaaladda amni ee Puntland wajahayso xilliga kalaguurka.

Nabadoon Yaasiin ayaa soo jeediyey si la soo xulo baarlamaan tayo leh, xubnaha cusubina noqdaan kuwo dalka deggan oo la nool wacyiga bulshadu ku sugan tahay, aqoon ahaan dhisan mid diineed iyo maadi ahba, waana in ay noqdaan dad aad biil raadis ahayn oo baahi darteed xil raadis ah.

Docda kalana Nabadoonka ayaa ka hadlay marxaladaha dhanka ammaanka ah ee uu maamulka Puntland wajahayo xilliga kala guurka ah, xilli ay muddooyinkanba dilal qorshaysan ka dhacayeen magaalooyinka waaweyn ee Puntland dawladuna ay bilowday hawlgal ballaaran oo lagu xasilinayo magaalooyinkaas, siiba magaalooyinka Bossaso, Garowe iyo Galkacyo.

Nabadoonka oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa khadka telefoonka ugu warramay Axmed Sh. Max’ed ‘Tallman’ oo ku sugan studiyeheenna Daljir Bossaso.

Hoos ka dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: