Waraysi Nabadoon Yaasiin: “Dhacdada Xaaji Cariish waxaa Abaabulay Askar Galmudug Ayagaa Qaatay kan Dhintay, Difaacayna Labada Kale”

Waraysi Nabadoon Yaasiin: “Dhacdada Xaaji Cariish waxaa Abaabulay Askar Galmudug Ayagaa Qaatay kan Dhintay, Difaacayna Labada Kale”

Gaalkacyo – Nabadoon Yaasiin Cabdisamad Cumar oo ka mid ah nabadoonnada magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay weerarkii makhribkii galabta dhacay Galkacyo, laguna dhaawacay sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland ee lagu magacaabo Col. Xaaji Cariish in uu ahaa weerar reer Puntland u bidhaamiyey arrimo markii hore aan dhab u muuqan, kuna saabsan halka weerarka iyo dilalka qorshaysan uga socdaan reer Puntland.

Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad ayaa xusay raggii weerarka gaystay in ay u baxsadeen xaafadda Baraxley ee magaalada Galkacyo, halkaas oo uu ka taliyo maamulka Galmudug, waxaana uu intaas ku daray raggaasi falka gaystay, una baxsaday Galmudug, in ay gacan hiillo ka heleen ciidamo Galmudug ah, mid ka mid ah oo dhaawac ahaana ay badbaadiyeen isla ciidankaasi, taasoo uu sheegay in ay tahay mid muujinaysa, markhaati ma doontana ka tahay dadka geysta weerarada noocaas ah in laga soo abaabulo Galmudug, ayna si buuxda u caddaatay caawa markii gabbaad laga siiyey Galmudug, lana gartay cidda ay yihiin.

Wareysi gaar ah oo nabaddoonku caawa siiyey Radio Daljir ayuu ku sheegay dhacdadaasi weerar iyo Galmudug u galidda raggii gaystayba in ay tahay xujo hortaalla madaxweyne Xaaf iyo maamulkiisa, laguna qiimayn doono go’aanka ay ka qaataan soo gacangelinta raggaas galay dambiga iskuday-dil iyo weerarka gaadmada ah.

Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf waxaa uu Cadaado ka sheegay, kana ballanqaaday in uu “baddeli doono dabeecaddii ka dhexjirtay Puntland iyo Galmudug, uuna yahay Oday da’ ah, maantana diyaar uu u yahay in uu ka shaqeeyo nabad iyo hormar iyo sidii ay Soomaali nabad u heli lahayd, gobolka Mudug iyo shacabkiisuna nabad u heli lahaa,” ayuu yiri Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad.

Nabadoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray in Xaaf “hadda looga fadhiyo wixii uu ballanqaaday in uu ka dhabeeyo, kala caddaatana wixii uu sheegay in ay run ahaayeen iyo in kale.”

Magaalada Gaalkacyo, siiba dhanka waqooyi, ayaa muddo dheer oo sannado ah wehel la ahayd weeraro gaadmo ah, kuwaas oo iskugu jiray kuwo qarax iyo qori, waxaana lagu dilay falalkaasi gaadmo tiro badan oo dad ah, iskuguna jiray qaybaha bulshada iyo maamulkaba, waxaana inta badan dadka falalkaasi gaystaa u baxsadaan dhanka Galmudug, dhawr jeer ayaana maamulka dhexe Puntland, midka gobolka iyo degmada iyo bulshada caadiga ahba ay ku eedeeyeen Galmudug falalka ammaan darro iyo dilalka qorshaysan in xaggooda laga soo abaabulo.

Galmudug ayaa eedahaas mar kasta ku tilmaantay kuwo aan jirin.

Hoos ka dhegayso waraysiga Nabadoon Yaasiin Cabdisamad

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
  • Haybe Cabdi 7 years ago

    Magacaygu waa Haybe cabdi oo Ku nool gobalka nuugaal. Waxa aan aad u salaamaya saaxibkeey Yaasin Cabdisamad. Aniga fikirkaygu waa in putland ay isku tashato, oo ciidamada hawiye qoryaha lagaga dhigayo baraxley in lageeyo.

  • Geeljire 7 years ago

    Bulshada maxaaa loo wareerinayaaa odayaashii iyo Madaxwayne
    Mamulkii waa aqoonsadayn hadii ay sidaas tahay

  • mohamuud abdi abdulaaahi shucle 7 years ago

    asc waa mohamud oo kasoo hadlaya balibusle waxey ilatahay waa cadaatey awalna waaba iska cadeyd in duulaan toos ah lagu soo qaadey puntland. waxaan soo jeedinayaa in go aan cad laga qaaato xaafada baraxley ooo markasta ay ucararaan dambiilayasha dilalka kageysta waqooyiga gaalkacyo

    waxaan kusoo gabagabayn. in somalidu kumaahmaahdo (nin daris xumi mahanaqaado)

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com