Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad: “Isimada Isaaq haddii aysan nabad keeni karin yaysan raadin”

Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad: “Isimada Isaaq haddii aysan nabad keeni karin yaysan raadin”

Maalmahaan waxaa magaalada Garoowe hawlo nabadeyn ah u joogey Isimo ka yimid maagaalada Hargeysa, joogitaankoodana aysan saxaafaddu u dhuundaloolin. Isimadaan ka yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa la sheegay in ay marti u ahaayeen qayb kamid ah culumida Garoowe.

Haddaba si aan wax uga ogaano imaatinka isimada Hargeysa iyo sababta imaatinkooda waxa aan ka waraysaney Nabadoon Yaasin Cabdi Samad. Nabadoonka ayaa sheegay in isimada Hargeysa ka yimid ay sheegeen in aysan xabbad joojin karin, ciidanna kala qaadin karin, sidaas darteed maba jirto sabab nabad looga wada hadlaa.

Hoos kaga bogo wareysiga Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad.

Sidoo kale, wax yar kabacdi wareysiga Nabadoon Yaasin ee Radio Daljir waxaa saxaafadda la hadlay Suldaan Siciid Maxamed Garaase, asaga oo yiri, “waxaan isimada Hargeysa u sheegnay in beesha Isaaq aysan degin Tukaraq iyo Sool toona, sidaas darteed hadday nabad rabaan ha guuraan oo Labida ha tageen, xalkuna waa midkaas.”

Hoos ka dhegayso wareysiga Suldaan Garaase iyo meesha nabbada Sool la rabo in laga raadsho.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Ninkan nin jirran waaye wuxuu u baahanyahay in Garmalka loo diro si looguso dabiibo

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com