Nabadoon Barre, Nabadoon Cabdi, Nabadoon Cabdille oo maantay lagu caleemo-saarray tuulada Farjannno ee Gobolkada Mudug (Sawirro)

Farjanno, 26, June, 2015 – Waxaa maantay lagu Caleemo-saaray Tuulada Farjanno oo dhada 11KM Jihada Koonfureed ee magaalada Burtinle Nabadoonka guud ee Beesha Muuse Noolays (IDIGFACLE)  Nabadoon Barre Cabdi Cabdille Siciid, xilkaasi dhaqan oo ah mid soo jireen iyo abka-dhaxal ah.
 
Munaasaabada waxaa kasoo qaybgalay xildhibaanno isugu jira heer Puntland iyo heer-degmo, maamulka degmada Burtinle, Nabadoono, waxgarad, culumaa\’udiin, aqoonyahanno, dhalinyaro iyo haween, kuwaasi oo kala kala yimid badi gobollada Puntland.
 
Inkastoo munaasabada laga soo jeediyay khudbado aad u badan, hase ahaatee mas\’uuliyiintii ka hadashay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha guud ee Nabadoonnada Puntlanad Nabadoon Khaliif Aw-cawli, waxaana uu yiri \”Si farxad ay ku dheehantahay ayaan idiinlaa dooranay, uguna ducaynaynaa Nabadoon Barre, waxaa u taala hawl adag, idinkana waxaa la idinka baahanyahay inaad la shaqaysaan, waa inaad amarkiisa adeecdaan, waa inaad guddoonkiisa ixtiraamtaan, waa inaad xoolaysaan, waana muhiim inaad talada fiican mar-waliba siisaan\”
 
Nabadoonka la doortay Barre Cabdi Cabdille Siciid oo isna madasha ka hadlay ayaa yiri \”Farxad wayn ayay ii tahay inaad igala soo qayb-gasheen xafladaan oo aad ajiibteen arrinkii la idinku yeeray, ducadiina rabbi ha aqbalo, waxaan talo-saaranayaa rabbi, waxaana ku dadaalayaa  intii awoodayda ah inaan sameeyo Caddaalad, waana idiin ducaynayaa, waana idiin mahadcelinayaa\” Sidaasi waxaa yiri Nabadoon Bare Cabdi Cabdi Siciid Cawad.
 
Ugu dambayntii munaasabada waxaa soo xiray Xildhibaan Maxamed Weeroow oo ka tirsan golaha wakiillada Puntland, waxaana isna hadal mahad-naq ah madasha ka jeediyay Guddomiyaha degmada Burtinle ee gobolka Nuugaal.  Xafladii Caleema-saarku waxay kusoo idlaatay jawi dagan oo ay farxad iyo dammaashaad ku dheehan-tahay.
 
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir,
\\\"\\\\\"\\\\\"\\\"\\\"\\\\\"\\\\\"\\\"\\\"\\\\\"\\\\\"\\\"\\\"\\\\\"\\\\\"\\\"\\\"\\\\\"\\\\\"\\\"\\\"\\\\\"\\\\\"\\\"\\\"\\\\\"\\\\\"\\\"\\\"\\\\\"\\\\\"\\\"\\\"\\\\\"\\\\\"\\\"\\\"\\\\\"\\\\\"\\\"\\\"\\\\\"\\\\\"\\\"

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com