Nabadoon Axmed Diiriye oo Muqdisho lagula tukaday Salaada Janaasada iyadoona lagu aasi doono Cadaado.

Nabadoon Axmed Diiriye oo Muqdisho lagula tukaday Salaada Janaasada iyadoona lagu aasi doono Cadaado.

Masuuliyiin uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali
kheyre ayaa ka qeyb gashay Salaadii Janaasada oo Masjidka Isbaheysiga
Islaamka lagula dukaday Allaha u Naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye
Cali oo habeen ka hor ku geeriyooday Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Salaada Janaasada ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan
xukuumadda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha
soomaaliya, Xildhibaano, Odayasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee
Bulsahda

Meydka Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa loo qaaday Magaalada Cadaado
ee gobolka Galgaduud oo lagu aasi doono maadaama inta uusan geeriyoon
ka hor uu ku dardaarmay in lagu aaso.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in
Marxuumka uu ahaa Shaqsi Soomaalinimada ku weyn tahay isla markaana
waqtigiisa ugu badan geliyay dhanka Nabadda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intaasi kadib u Magacaabay Guddi Wasiiro
ah oo ka qeyb qaatay tacsida Nabadoonka iyo waxayabaha kale ee looga
baahan yahay.

Dhinaca kale Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Gobolka
Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qaban
qaabada aaska Marxuum Axmed diiriye Cali, iyada oo Cadaado uu ku soo
wajahan yahay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali
Xasan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com