Nabaddoon Yaasin Cabdi Samad: “Muuse Biixi waxa uu maalin qura Boorame sannadkii 1999 ku laayey 800 qof oo reer Awdal ah”

Nabaddoon Yaasin Cabdi Samad: “Muuse Biixi waxa uu maalin qura Boorame sannadkii 1999 ku laayey 800 qof oo reer Awdal ah”

Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo kamid ah Nabaddoonada dhaqanka Puntland ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan gobolka Sool, gaar ahaan degmada Laascaanood iyo deegaanada hoosyimaada.

Nabaddoonka oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda Daljir ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in loo istaago difaaca dhulka Puntland, degdegna loo xoreeyo degaanka xoogga lagu haysto ee Sool.

Isla wareysigaan, Nabaddoon Yaasiin waxa uu sharraxayaa dadka Soomaaliyeed iyo marxaladihii ay soo mareen iyo waliba taariikhda madoow ee Muuse Biixi. Nabaddoonka ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu maalin qura magaalada Boorame sannadkii 1999 ku laayey dad gaaraya 800 qof oo reer Awdal ah ayna barokiciyeen dadka reer Sanaag. Nabadoonka waxa uu ku daray in fidnada Soomaaliya ka taagan, mid qabiil iyo mid al-Shabaab, awal meel qalad ah laga raadin jirey, laakiin se hadda farta lagu soo taabanayo, xalkeeduna yaal Laas Caanood iyo Gobolka Sool.

Nabaddoonka ayaa yiri, “Muuse Biixi iyo ciidammadiisa caano kama cabbi doonin duullaanka ay mar kale ku soo qaadeen dhulka Puntland.”

Wariye Axmed Sheekeeye ayuu Nabaddoonku u warramay.

Hoos ka dhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com