HomeUncategorized

M/weyne Shariif Sh. Axmed oo imaaraadka u ambabaxay.

Caption ...

Mo Farah wins unique triple-double with 5,000m world championship gold
Wasiirka amniga Puntland oo sheegay inay qabanayaa cidii ka hortimaada nidaamka Xisbiyadda badan.
Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka kasocda SH Dhexe.

Muqdisho, Aug 22 – Wafti uu hoggaaminayo M/weynaha dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho kuwaasi oo u kicitimay isku-tagga imaaraadka Carabta oo uu m/weynuhu martiqaad ka helay.

M/weyne Shariif Sh. Axmed oo ay socdaalkiisa ku weheliyaan xubno ka tirsan golaha xukuumadda oo uu ka mid yahay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah C/llaahi Goodax Barre iyo saraakiil madaxtooyo ah ayaa socdaalkoodu la xiriiraa casumaad ay ka heleen dawladda imaaraadka Carabta, kuna saabsan ka qayb-qaadashada gurmadyada gargaar ee dhibbanayaasha abaaruhu halakeeyeen sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyadu.

M/weyne Shariif Sh. Axmed ayaa lagu wadaa marka uu dhammaysto booqashadiisa Dubia in uu yimaado magaalada Addis-ababa ee waddanka Ethiopia halkaasi oo 25-ka bishaan uu ka dhici doono shir ay leeyihiin midawga Afrika loogana hadli doono xaaladda macaluuleed ee Geeska Afrika.

Md. Shariif, intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa uu qaabilay wafti ka socday QM oo uu hoggaaminayey Danjire Agoustine Mahiga, iyagoo isku soo qaaday arrimo dhawr ah oo ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaanna qodobo la xiriira shirka watashiga ah ee Soomaaliya inkastoo aan la faahfaahin qaabka ay uga hadleen.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: