Site icon Radio Daljir

M/weyne Shariif oo maamul cusub u magacaabay gobolka Hiiraan.

Moqdisho, March, 11 ? Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwayanaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa gobolka Hiiraan loogu magacaabay maamul cusub oo ka kooban guddoomiye, g/kuxiggeen, iyo xubno kale oo saraakiil amni ah.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay mudane C/fitaax Xassan ?Afrax? waxaana uu warbaahinta u sheegay inuu ku rajo-wayn yahay sidii uu ugudan lahaa masuulada loo magacaabay.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagu akhriyay xaflad ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana halkaasi ka hadlay wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya Cabdi Cali Xassan oo sheegay in DKFS ay xooga saarayso sidii loo baahin-lahaa xukunka dawladda, qorshaha labaad-na uu yahay sidii gobolka Baay loogu magacaabi-lahaa maamul cusub.

Wasiiru-dawlaha ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo magacaabay gobolkaasi, waxaana wasiir Cabdi uu hadalkiisa raaciyay in nabad-galyada ay si gaar ah shacabku ay maamulka ugala shaqeeyaan.

Magacaabidaan maamulka gobolka Hiiraan ayaa kusoo beeg-maysa xilli magaalada Baladwayn xaaladeedu tahay mid cakiran, waxaana xilligaan ammaanka magaaladaasi gacanta ku haya ciidamo Itoobiyaan ah oo ay weh-liyaan ciidanka Dooxada Shabeele.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir Garowe.

Daljir.com

Exit mobile version