M/weyne Shariif, oo ka horyimid galintaan ciidanka Kenya ee gudaha Soomaaliya.

Muqdisho, Oct 24 ?M/weynaha dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ciidamada dawladda Kenya ee dhawaan soo galay gudaha Soomaaliya, sheegayna in uu ka xun yahay tallaabadaasi ciidan.

M/weyne Shariif Sh. Axmed, ayaa sheegay dawladdiisa iyo shacabka Soomaaliyeedba in ay ka xun yihiin, aysanna raalli ka ahayn taallaabadii ay qaadday dawladda Kenya ee ay ciidamadeedu ku galeen meelo ka mid ah koonfurta Soomaaliya todobaad ka hor.

Md. Shariif, ayaa hadalkaan ka sheegay maanta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir halkaasi oo dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey uu ka socday dagaal xooggan oo u dhaxeeyey dawladdiisa oo ay kaabayaan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM iyo kuwa ururka Al-shabaab, waxaana uu khudbad u jeediyey boqalaal ciidanka dawladda ah.

M/weyne Shariif Sh. Axmed, waxaa uu tilmaamay in uusan jirin wax qorshe ah ama heshiis ah oo u dhexeeya labada dawladood, oo ogalaanaya ciidamada Kenya in ay soo galaan Soomaaliya, hase ahaatee waxaa uu qiray in uu jiray wada-shaqayn iyo xiriir is-kaashi oo labada dhinac u dhexeeyey, kaasoo caddaynayey Kenya in ay hab-dadban u taageerto ciidamada dawladda si ay gacan ugu dhigaan gobollada dalka.

M/weyne Shariif, waxaa uu tilmaamay ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan Soomaaliya in ay ku yimaadeen rabitaan iyo ogalaansho dawladeed iyo sidoo kale ogalaanshaha QM iyo midka ururka midawga Afrika, markastana loo baahan yahay waddadaasi in loo maro soo galidda shisheeye ee Soomaaliya.

Shariif, waxaa dhinaca kale uu ka hadlay dagaalladii dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey ka dhacayey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay dawladdu in ay dagaalladaasi guulo la taaban karo ka gaartay, waxaana dhinaca kale uu beeniyey sheegashadii Al-shabaab ee ahayd in ay dileen ku dhawaad boqol askari oo AMISOM ah, taasoo uu sheegay in ay ahayd been aan sal iyo raad toona lahayn.

Hadalka m/weyne Shariif, uu uga horyimid soo galidda ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya ayaa yimid xilli dawladda Kenya ay si cad u qiratay ciidankeedu in ay galeen Soomaaliya, sifo ay ula dagaallamaan mintidiinta Al-shabaab oo Kenya ay aaminsan tahay in ay khaakhuul amni ka gaysteen dalkeeda.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com