M/weyne Gaas oo degmada Godob-jiraan u magacaabay Gudoomiye iyo ku xigeen

Arbaco, May 20, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Yuusuf Maxamed Faarax si kumeel gaar ah ugu magacaabay gudoomiyaha degmada Godobjiraan, halka sidoo kalena kuxigeen madaxweynuhu u magacaabay Siciid Faarax Cadde.
 
Warqada magacaabida oo kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Xeer Madaxweyne LR.49 ee May 20 2015 kuna saabsan magacaabida gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal.
 
Gudoomiyaha cusub ee Madaxweynuhu u magacaabay degmada Godob-jiraan ee gobolka Nugaal Yuusuf Maxmaed Faarax oo daljir la hadlay kadib markii la magacaabay aya u mahad-celiyey Madaxweynaha Puntland ee xilkan u magacaabay,waxana uu tilmaamay inu yahay shaqsi u qalma waxka qabashada baahiyo Aasaasi ah oo uu sheegay inay ka jiraan degmada Jariiban ee gobolka Nugaal.
 
Halkan ka dhegeyso codka Gudoomiyaha 
 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com