M/weyne Faroole oo magacaabay taliyaha ciidanka bileyska Puntland iyo Gudd. gobolka Mudug. [Akhris …]

Galkacyo, Sept 04 – M/weynaha dawlada Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud ?Faroole? ayaa magacaabay mas?uuliyiin cusub oo iskugu jira taliyayaal bileys iyo maamulka gobolka Mudug.

Labo wareegto oo isku maalin ka soo baxay xafiiska m/weynaha Puntland, ayaa mid ka mid ah lagu magacaabay hoggaanka cusub ee uu yeelanayo ciidanka bileyska Puntland iyo kuxigeenkiisa iyo sidoo kale taliyayaal qaaxeeddo.

Taliyaha ciidanka bileyska Puntland ayaa loo magacaabay G./sare Axmed Xasan Cali ?Afay? halka taliye kuxigeenka 1-aadna loo magacaabay G/sare Maxamed Siciid Jaqanaf, waxaana sidoo kale isla wareegtadaasi lagu magacaabay taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug, iyadoo loo magacaaya G/sare Muuse Axmed C/raxmaan ? Muuse-Xasaasi? halka taliyaha saldhigga Miir ee magaalada Galkacyo-na loo magacaabay G/le Muuse Cismaan Faarax ?Dhuqufo? waxaana wareegtada m/weynaha lagu tilmaamay dhammaan mas?uuliyiintaasi in loo xushay aqoon iyo waayo aragnimo ay u leeyihiin shaqooyinka loo dhiibay ee ciidanka bilesyka Puntland.

Dhanka kale isla wareegto maalintii shalay ahayd ka soo baxday xafiiska m/weynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud ?Faroole?, ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug, waxaana xilkaasi loo dhiibay Axmed Cali Salaad oo horay u ahaan jiray Duqa magaalada Galkacyo dhawaanna loo guulaystay tar-tan uu u galay duqa Galkacyo kadib markii uu la tar-tamay guddoomiyaha cusub e haatan xilkaasi haya C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan.

Mas?uuliyiintaan ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda si rasmi ah in xilalkooda loo dhaariyo, waxaana magacaabistoodu ku soo beegan-tay xilli aan wali waxba buuran laga qaban falal dil ahaa oo dhawaanahaan si is-daba joog ah uga dhacay magaalada Galkacyo.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com