M/weynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay hogaamiyaha dalka Sudan

Talaado, Juun 02, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamud oo ku sugan dalka Suudan aya kula la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sudan,Cumar Xassan Al-Bashiir oo isaga mar kale lasoo doortay.
 
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud aya ugu horayn Al-Bashiir ugu hambalyeeyey guusha uu ka gaaray doorashadi dhowaan ka dhacday dalka Sudan.
 
Labada Madaxweyne aya ka wada xaajooday xoojinta xiriirka labada dal ka dhexeeya,xaaladaha labada dal,waxana uu Madaxweynaha Sudan ballan-qaaday kordhinta taageeradda dhinacyada kala duwan ee dowladiisu siiso dalka Soomaaliya.
 
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Sudan sida ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed.
 
By:Xalliye

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com