HomeUncategorized

M/weynaha Puntland oo goordhaw shir jaraa?id ku qabanaya Bossaso, lana filayo inuu ka hadlo dagaalka Galgala.

Bossaso, May, 11 - Madaxweynaha Dawladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa la filayaa inuu goor dhaw shir jaraa?id ku qabto magaalada Bossaso,

Suuqa Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho oo gubanaya.
FAAH-FAAHIN: Is-casilaadda Gudoomiyihii Barlamaanka Puntland (Dhagayso)
Maraykanka oo uga digay Eritrea hurinta colaadeed iyo dagaal ee Somaliya, uguna baaqay kooxaha Somalida xabad joojin.

Bossaso, May, 11 – Madaxweynaha Dawladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa la filayaa inuu goor dhaw shir jaraa?id ku qabto magaalada Bossaso, kaasi oo la sheegayo inuu madaxweynuhu kaga hadli doono dagaalkii xalay ka dhacay tuulada Galgala ee ay ku qabsadeen kooxda teegeersan Maxamed Siciid Atam.

Koox saxafiyiin ah oo ka kale socota idaacadaha gudaha iyo kuwa dibadda ayaa hadda ku sugan xarunta madaxtooyada ee magaalada Bossaso si ay uga qaybagalaan shirka jaraa?id ee madaxweynaha qabanayo.

Wariye ka tirsan idaacadda Daljir oo jooga xarunta mdaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu la kulmay maanta (Arbaca) odayaal dhaqan, culimo diineed iyo xubno ka tirsan dawladda kuwaas oo uu kale hadlay arrimo kale duwan oo quseeya Puntland gaar ahaan ammaanka.

Axmed Sh. Maxamed Tallman
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: