M/wayne Farmaajo iyo Boqor Cabadala oo kulmay (sawiro)

M/wayne Farmaajo iyo Boqor Cabadala oo kulmay (sawiro)

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shalay gaaray magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa maanta la kulmay boqorka Sacuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdal Casiis oo hoygiisa Jiddah ugu sameeyey qado sharaf.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sida lagu yiri qoraal lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya.

Lama sheegin masuuliyiinta labada dhinac inay isla soo qaadeen khilaafka dowladaha Khaliijka oo ay Soomaaliya horay uga qaadatay door dhexdhexaadnimo, mana jirto fahfaahin dheeraad ah oo laga hayo arimaha kalle ee kulanka lagu soo qaaday.

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ayaa waxaa ku wehliyay kulamada wasiirka arimaha dibadda Yuusuf Garaad iyo safiirka Soomaaliya ee Sacuudi Carabiya Daahir Geelle.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com