Muxuu yahay ahdaafta siyaasadeed ee madaxwaynaha cusub Puntland? (dhegayso)

Muxuu yahay ahdaafta siyaasadeed ee madaxwaynaha cusub Puntland? (dhegayso)

Madaxwaynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo ay horyaaliin howlo badan oo ay ugu waawayn yihiin ammaanka iyo dhaqaalaha Puntland ee hoos u sii socdo inuu wax ka qabto ayaa waxaa uu sheegay inuu jiro ahdaaf siyaasadeed oo uu doonayo inuu uga duwanaado madaxwaynayaashii isaga kaga  horeeyey xilka madaxwayne  ee Puntland.

Madaxwayne Deni ayaa ahdaaftiisa ku qeexay

  1. Dowlad Soomaaliyeed oo Faderaal ah oo shaqaynaysa, midaysan, xoog leh, taasi oo dhismaheeda Puntland ay qayb wayn ka qaadato.
  2. Inay dadka Puntland ay helaan nabadgalyo, caafimaad iyo horumar la taaban karo
  3. Sidii loo heli lahaa maamul dowladeed oo casri ah oo tilmaamaya shuruucdii dalka iyo isku xiriyana masaaliixda dadka guud ahaan iyo gaar ahaan
  4. Hay’ado dowladeed oo shaqaynaya, mid walbana iskaabaya oo isla shaqaynaya
  5. Inuu noqdo hogaamiye dadkiisa la tashada oo aan go’aanka isaga kaliya isku koobin sidii madaxwaynayaashii hore qaarkood
  6. In la helo kala dambayn

Hoos kadhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com