Muxuu salka ku hayaa safarka madaxda Dowlad Goboleedyada & Ra’iisul Wasaare Rooble ee dalka Sacuudiga?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda safar ku tagaan dalka Sacuudi Carabiya, kaddib markii ay martiqaad ka heleen Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha ay qaabili doonto Boqortooyada, lama shaacin ujeedka rasmiga ah ee safarkooda hayeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Sucuudiga ay qorsheyneyso dib u soo celinta xirriirka Soomaaliya oo aad aad u xumaa afartii sano ee la soo dhaafay.

Sidan oo kale 2016 dowladda Imaaraadka Carabta ayaa casuumaad wadajir ah u sameeysay madaxdii Maamul Goboleedyada Soomaaliya, iyadoo kala hadsashay isbeddel laga sameeyo Soomaaliya doorashadii 2017.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com