Muxuu salka ku hayaa dagaalka Sanaag? Yaase ka dambeeya ? (daawo)

Muxuu salka ku hayaa dagaalka Sanaag?  Yaase ka dambeeya ? (daawo)

Degaanada Hadaaftimo iyo Yube ee gobolka Sanaag, maalmihii udambeeyay waxaa weerar ku soo qaadayay maamulka Soomaaliland.

dagaaladaas ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray ciidamada Puntland.

ilaa iyo haatan maamulka Puntland kama aysan hadlin weeraradaasi isxigxigay ee Soomaaliland ay soo qaaday, marka laga reebo wax garadka deegaanka oo Daljir la so xiriiray.

Hadaba Muxuu salka ku hayaa duulaanka hor leh ee Soomaaliland ay ku soo qaaday ciidamada Puntland? Maxyase ka ogyihiin Farmaajo iyo ABi Axmed? Su’aalahaas iyo kuwo kale waxaa ka jawaabaya Maxamuud Cabdi Cumar Qolombi oo horay ula soo shaqeeyay dowladihii Cabdilaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif., arimaha ciidankana wax ka yaqaana.

wariye Aasiya Xaaji Jaamac ayuu uwaramay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com