Muuse Biixi oo xabsiga dhigay hooyooyin dowladda Soomaaliya ka codsaday inay wiilashooda xabsiyada Liibiya kasoo dayso

Muuse Biixi oo xabsiga dhigay hooyooyin dowladda Soomaaliya ka codsaday inay wiilashooda xabsiyada Liibiya kasoo dayso

Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay ku dhowaad sodon hooyooyin ah kuwaasi oo codsnayay inay dowladda faderaalka Soomaaliya iyo cid allaalle ciddii soo furdaamin karta ay gacan ka gaysato wiilashooda oo xabsiyada Liibiya ku jira in lasoo daayo.

Hooyooyinkan ayaa mudaaharaad kadhigay bartamaha suuqa Hargaysa, iyagoo watay boorar.

Maamulka Somaliland kama hadlin tilaabada hooyooyinkan lagu xiray.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa kujira xabsiyo ku yaaala dalka Liibiya, kuwaasi oo ay dowladda Soomaaliya ee faderaalka ah ay ku guulaysatay in qaybtooda lasoodaayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com