Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi oo maanta ka hadalayay dagaalka Tukaraq ayaa waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay dagaalkan, iyadoo ay haysato darruufo ka dhashay duufaantii ku dhufatay gobolka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu xusay in Soomaaliya dagaal ay ka daashay oo aanay dan u ahayn, waxaan uu xusay inay doonayaan nabad.
Hoos kadhegayso
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Puntland ay horay u sheegtay inay difaacanayso sharafteeda iyo dhulkeeda oo aanay duulaan ku ahayn maamulka Somaliland.
Muuse Biixi ayaa billo kahor ku dhawaaqay dagaal kadhan ah Puntland oo lagu soo xirayo xuduud gumayste, isagoona dagaal uu soo qaaday ku qabsaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo hadda ay ka socoto dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.
« Wasaaradda Waxbarashada DFS oo Imtaxaankii Shaahadiga usoo xirtay dugsiyada Cabudwaaq (dhegayso)
Odayaasha Buuhoodle “waa waajib in la iska difaaco qofka naftaada iyo maalkaaga ku soo duuley reer Buuhoodle is difaaca!” (Dhegayso ) »