Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo kormeeray xafiisyada Madaxtooyada Garoowe (Daawo)

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo kormeeray xafiisyada Madaxtooyada Garoowe (Daawo)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa kormeeray xafiisyada Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, oo ay ku sugnaayeen saraakiisha xafiisyada.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo uu booqashada ku wehelinaayey Agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Ciise Maxamuud Cumar, ayaa u kuurgalayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isla markaana waxa uu korjoogteeyey habsami u socodka qaab dhismeedka shaqda Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland uu ku sameeyey xafiisyada Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe.

“Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay Feebaraayo 20. 2019 Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan kormeeray xafiisyada Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa kormeerka ku wehelinaayey Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Madaxtooyada, Madaxweynuhu waxaa uu kormeerkiisa uga gollahaa korjookteynta shaqada xafiisyada sida ay u socoto, Madaxweyne ku-xigeenku mid mid ayuu u galay xafiisyada waxaana uu shaqalaha ku booriyey shaqada adag ee ay hayaan”.Ayuu yiri kusimaha Agaasimaha xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada.

“Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay si wanaagsan oo wadaniyadi ku jirto uga soo dhalaalaan shaqada muhiim ka ah ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkoodaba”. Ayu yiri Agaasimuhu

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com