Mustafe Cagjar oo booqanaya Gobolka Boran ee kililka Oromiya

Mustafe Cagjar oo booqanaya Gobolka Boran ee kililka Oromiya

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa weli ku jira safaro uu ku marayo gobolada deegaanka, siiba gobolada LIIBAAN iyo DAAWA, ayaa maanta booqday gobolka BORAN ee kililka Oromiya.

Madaxweynaha waxaa gobolka ku soodhaweeyey oday dhaqameedyada Oromiya, waxaana soodhaweyn kabacdi la gudoonsiiyey, looguna labisay dharka dhaqanka Oromada.

Gobolka BORAN ayaa hore uga mid ahaan jirey degmooyinka gobolka LIIBAAN ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waana qayb kamid ah deegaanada Soomaalida ee ay Oromadu sida sharcidarrada ah ugala wareegtay Soomaalida-Itoobiya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Booran waa dad horay dagaal soomaali uga dhaxeeyey lagana sòo saaray gobalka ka mid ah sòomaalida
    Booran waa dad cadaawad soo jireen ka dhaxayso soomaalid
    Laakiin lagu qasbay qarnigii 16 ilaa 17 in ay soomaali noqdaan
    Markii ay farsad heleena ku balan fuley soomaalidii ay diinta wadaagi jireen

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com