Musharraxiinta Puntland oo caaliqay guddigii xallinta khilaafaadka iyo ansixinta ee madaxweye Gaas magacaabay

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Musharraxiinta Puntland oo caaliqay guddigii xallinta khilaafaadka iyo ansixinta ee madaxweye Gaas magacaabay

Musharraxiinta u tartamaysa jagada madaxweynimada Puntland ee doorashada soo aaddan ee 2019ka, ayaa caaliqay guddigii uu shalay uu magacaabay madaxwey

US MILITARY BASES IN SOMALIA: How Status of Force Agreement (SoFA) Enslaves Countries
Xildhibaanada Maamulka KGS: “Shariif Xasan wuu Marinhabaabiyey Shuruucdii Maamulka, waxa uuna Samaystay Xeerar Isaga u Gaar ah” (dhegayso)
Wasiir Siciid M. Raage: “Ma Jirto Guryo loo Burburinayo Dhismaha Dekedda Bosaso” (dhegayso)

Musharraxiinta u tartamaysa jagada madaxweynimada Puntland ee doorashada soo aaddan ee 2019ka, ayaa caaliqay guddigii uu shalay uu magacaabay madaxweynaha xilkiisu dhammaadka yahay ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, guddigaasi oo ahaa guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka.

Musharraxiinta ayaa diidmadooda ku sababeeyey qodobo dhawr ah oo ay ka mid tahay caddaalad darro laga sameeyey xulidda xubnahaasi, la-tashi la’aan madaxweyne kuxigeenka, iyo guddoomiye Baarlamaan, eex, nin-jeclaysi, danaysi doorasho iyo arrimo kale isla qaddiyadahaasi ka ag-dhaw.

Musharraxiinta ayaa shir saxaafadeed ku shaaciyey diidmadooda, iyagoo dhinaca kalena taageeray guddigii uu magacaabay madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdillaahi Cumar Camey.

Madasha hadalkaan ay kaga dhawaaqeen musharraxiinta madaxweyne waxaa ku sugnaa tiro yar oo musharraxiin ay, balse liiska goobta laga akhriyey ee ahaa dulucda hadalkooda, waxaana ku qornaa tiro badan oo musharraxiin madaxweyne ah oo dalka iyo dibeddaba kala jooga, hase ahaatee ka maqnaa shirka, waxaana halkaasi ka akhriyey musharrax madaxweyne Aadan Ciise Gaadaale.

Ma ahan markii ugu horraysay oo magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland ay isku khilaafaan madaxweynaha xilligaasi talada haya iyo musharraxiintu, balse waa markii koowaad oo la arko labo guddi oo ay iska feer-magacaabeen madaxweynaha iyo kuxigeenku, taasoo marag-ma-doonto ka dhigaysa kala maanduwanaanta ka dhex-oogan madaxweyne Gaas iyo kuxigeenkiisa Camey.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: