Musharrax Siciid Cabdulaahi Deni iyo Kulankii Garoowe (Sawiro)

Musharrax Siciid Cabdulaahi Deni iyo Kulankii Garoowe (Sawiro)

Musharrax Madaxweyne Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Xarunta Jaamacada Bariga Africa Faraceeda Garoowe wuxuu kusoo bandhigay Barnaamijkiisa Musharraxnimo iyo midda siyaasadeed,isago hadda khudbad xalay kajeediyey Gudaha Xarunta Jaamacada Bariga Africa.

Deni ayaa ku dheeraday Waxyaabaha ay qaban doonto dowladiisa Cusub hadii la doorto,isago soo hadal qaaday saxaafadda oo uu sheegay inay la shaqayn donaan isla markaana amaanka Xukumadiisa ay ka qayb qaadan doonto.

Hoolka Jaamacadda Waxaa xalay ku sugnaa dadweyne Farabadan,Nabadoono,Aqoonyahano,Xildhibaano iyo Cuqaal dal iyo dibadba kayimid kuwaas oo u yimid Madashan inay ka qayb qaatan Barnaamijka siyaasadeed ee Musharrax madaxweyne Puntland 2019 Siciid Cabdulaahi Deni.

Hoos Kadaawo Sawiradda

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com