Musharrax Madaxweyne Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo Hoygiisa Ku Booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed (Sawiro)

Musharrax Madaxweyne Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo  Hoygiisa Ku Booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed (Sawiro)

Musharrax Madaxweyne Puntland Dr. Sciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 12 Dec, 2018 waxa uu hoygiisa caasimadda Garoowe ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah issimada Puntland.

Islaan Ciise ayaa si wanaagsan hoygiisa ugu soo dhoweeyey Musharrax Siciid Deni, waxayna wada qaateen kulan muhiim ah oo ay kaga arrin sanayeen xaaladda guud ee Puntland iyo marxaladda kala guurka iyo arrimaha doorashada.

Musharraxa ayaa islaan Ciise uga mahadceliyay sida uu markasta ugu taagan yahay horumarinta Puntland wuxuuna ku adkeeyey inay muhiim tahay in issimadau ay dowrkooda ka qaataan sidii arrimaha siyaasadda iyo marxladda kala guurka ah looga gudbi lahaa loona heli lahaa doorasho daah-furan oo xalaal ah.


-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta Musharrax Siciid Deni
Email:- [email protected]
Youtube:- Team Deni 2019
Facebook:- Team Deni 2019

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com