Site icon Radio Daljir

Musharrax Madaxweyne Muuse Biixi: “Daarood First … Doorashadaas Haddaad Soo Faragalisaan Garoowe Baa lagu Murmayaa” (dhegayso/daawo)

Musharraxiinta u tartamaysa jagada madaxweynaha Somaliland oo ka kala socda xisbiga talada haya iyo labada xisbi mucaarad ee kala ah Muuse Biixi Cabdi oo Kulmiye ah, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo Waddani ah, iyo Faysal Cali Waraabe oo UCID ah ayaa hadal ay sida wada jir ah warbaahinta u siiyeen eedeeyey Puntland, iyaga oo sheegay inPuntland ay waddo qorshe lagu carqaladeynayo doorashada Somaliland, duullaana lagu yahay Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi oo ah musharraxa Xisbiga Kulmiye, badanaana qaar warbaahinta Somaliland ay ku tilmaanto dambiile dagaal, meesha dadka reer Somaliland qaar ay ula magac-bexeen Mujaahid Muuse Biixi, asaga oo si kulul u weeraraya Puntland, xasuusinayana in ay awoowayaashood raadshaan oo ka waraystaan waxa ay kal hore reer Somaliland kala kulmeen, hadaladiisii waxaa kamid ahaa: “Daarood first … maxaa loo baqayaa … ragga maanta ciidanka ka soo hubaynaya Garoowe dib isu waraysta, awoowayaashiin waraysta, dowladihiinii u danbeeyey waraysta, waligeed Somaliland nin gacan u qaaday asaga oo aan araxda ka jabin kama tegin … doorashadaas haddaad soo faragalisaan oo hab ciidan ku soo faragalisaan, geeskaas wixii ka dhaca iska dhaaf cid kalee, Garoowe baa lagu murmayaa, caasimaddaa lagu murmayaa, ballan weeye. Ballan baan taa idin kaga qaadayaa.”

Hoos ka dhegayso hadalada musharrax madaxweye Muuse Biixi.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5a07c8fe0401009b8be918ae/Muuse+Biixi+Cabdi%2C+hanjabaad+Puntland_11+Nove+%2717.mp3?_=1

Muuqaal

Exit mobile version