Musharrax Jebiye oo war kasoo saaray liisaska is khilaafsan ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaannada

Ujeedo: Liisaska is khilaafsan ee guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland

Kadib markaan aragney liisaska is khilaafsan ee magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada golaha wakiilada ee Puntland ee ka soo kala baxay isla Dowladda Puntland, waxaan hoosta ka xariiqeynaa in ay soo baxdey waxyaabihii aan ka digeyney ee la xiriirta magacaabista guddiga xalinta khilafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada golaha wakiilada, taas oo horseedi karta khalkhal siyaasadeed.

Waxaa nasiib darro ah in hoggaanka sare ee Dowladda Puntland ay ku fashilmeen in la soo magacaabo guddi loo dhan yahay oo talo laga geliyey musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland. Liisaska kala duwan ee soo baxay waxay muujineysa khatarta ka soo socota nidaamkii iyo haykalkii dowladnimo ee Puntland taas oo ah mid aan horey u dhicin.

Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Anisixnta Xildhibaanadu waa in ay noqdaan kuwo leh waayo-aragnimo la xiriirta xalinta arrimaha khilaafaadka, aqoon u leh dhaqanka iyo nidaamka beelaha, dhex-dhexaad ka ah arrimaha siyaasadda, bulshada dhexdeedana ku leh sumcad iyo ixtiraam.

TALO SOO JEEDIN

Haddaba waxaan ku baaqaynaa in la isgu yimaado shir deg-deg ah, oo ay ka soo qayb-galaan Hoggaanka Puntland ee xilku ka sii dhamaanayo, Musharixiinta, iyo Isimada Puntland si looga wadatashado guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada, si ay u soo baxaan Xildhibaanada haysta saxiixa rasmiga ah iyo oggolaanshaha hoggaamiye dhaqameedyada beeshooda, taas oo horseedi karta in ay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

BAAQ

Dhamaan daneeyaasha arrimaha Puntland waxaan ugu baaqeynaa in ay si toos ah ula socdaan geedi socodka doorashada Puntland, si loo ilaaliyo nabadda, wadajirka iyo nidaamka dowldnimo ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Musharax Maxamuud Khaliif Xassan (Eng. Jebiye)


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com