Musharrax Jebiye oo degmada Carmo si diirran loogu soo dhoweeyey

Musharrax Jebiye oo degmada Carmo si diirran loogu soo dhoweeyey

Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019 Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa si diirran maanta loogu soo dhoweeyey degmada Carmo ee gobolka Bari.

Boqollaal dadwayne ah oo soo dhoweyntiisa uusoo baxay ayuu Musharrax Jebiye kula hadlay goob fagaare ah, wuxuuna ugu horrayn ka mahad celiyey sida qiimaha badan ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey.

Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu dib u howlgelin doono kulliyadda tababarka ciidamada booliska ee degmada Carmo.

Musharraxu wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu degmada Carmo ka dhisi doono
aamacad, si ardayda ka baxda dugisiyada sare ee degmada Carmo loo siiyo fursad waxbarasho sare.

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com