Musharrax Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo kulanka “Deni iyo Dadweynaha Qardho” (sawirro)

Musharrax Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo kulanka “Deni iyo Dadweynaha Qardho” (sawirro)

Musharax Madaxweyne Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo Ka Qeyb Galay Kulanka Deni iyo Dadweynaha Qardho.

Kulan loogu magac daray Deni iyo Bulshada Qardho ayaa Lagu qabtay Safari Mall, waxaana ka soo qeybgalay Siyaasiyiin, Maamulka Gobolka Karkaar, Dhaqanka, Ururada Dhalinyarada iyo kuwa Haweenka.

Kulankaan oo ahaa Mahadcelin guud dhammaan dadkii ka qeybgalay soo dhaweynta Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Qardho 28 Nov 2018.

Nabadoon Mahad Khaalid Muuse oo ka hadlay kulanka ayaa yiri “Wuxuu uga duwanaa Siciid Deni musharrixiinta kale, markuu soo dagay waa ninka keliya ee tilmaamay dhibaatada Puntland ka jirta, waa ninka keliya ee ku dhiiraday arintaas in la Sheego xaqiiqda Jirta, Waxaa ku faraxsanahay Xilka uu isku soo taagay”……

Caaqil Cabdi Jaamac Buryar oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka ayaa si kooban u sheegay “Siciid ma’ahan nin loo waramayo, soomaalidu waxay tiraahdaa, oday reer u weyn iyo umuliso siday tahay uma waramaan, waa xog ogaal aan qurbo joog aheyn loona warami maayo ee reer Puntlandow doorta”……

Gudoomiyaha waxbarashada Degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiye ayaa ku dheeraaday kartida iyo Hogaaminta Musharax Siciid Deni “Waxaan leennahay Puntland waxay jirtay 20 sano, Siciid wuxuu ahaa shakhsi ka warqaba dhibaatooyinka Puntland kajira, goobjoog buuna u ahaa, ka waxbarasho ahaan annaga qofka fahmi kara dhibteenna iyo tabashadeenna waa Siciid Deni, wuxuu kamid aha aasaasayaashii waxbarashada Puntland, markii burburkii dhacay kaddib, wuxuu kamid ahaa inta yar ee faro ku tiriska ahaa ee fahamtay in Puntland waxbarasho u baahan tahay, Ma’ahan nin usoo doontay shaqo ee waa nin aan ku kalsoonnahay in uu u shaqeynayo Shacabkiisa”……

Musharax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu danbeyn qaatay Khudbadaha laga Jeediyey kulanka Deni iyo Bulshada Qardho waxaan hadalladiisii kamid ahaa “Waxaa marka hore ka Mahadcelinayaa sida la ii soo dhaweeyey, waxaa leeyahay Waad Mahadsantihiin, waxaadna ii Muujiseen sida aad iigu kalsoontihiin, Aniga waxaa rabaa in aan keeno Dowlad lawada leeyahay oo aan cidna cid ka xigin, Waxaa doonayaa in la heli Nidaam ku dhisan Wadatashi iyo Wada lahaansho, Waxaa Mudnaanta siinayaa Dowlad wadaagga oo qof walbo kaalintiisa qaadanayo”….

Musharax Siciid Deni ayaa Safar ku maraya Gobolada Puntland waana Qorshaha Ololaha Doorashada Xilka Madaxweynaha 8-da Bisha janaayo 2019.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta Musharrax Deni
Emial:- [email protected]
Youtube:- Team Deni 2019
Facebook:- Team Deni 2019


  

          

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com