Musharrax Cali Xaaji Warsame oo Bosaaso lagu soodhaweeyay (dhegayso+Sawiro

Magaalada Bosaaso waxaa maanta lagu soodhaweeyay Musharax Madaxweyne Puntland Cali Xaaji Warsame  oo u taagan doorashada Puntland 2019.

Cali Xaaji Warsame  ayaa arimihii u ka hadlay waxaa ka mid ahaa ammaandarada magaalada Bosaaso  iyo dilalka qorshaysan ee ka dhaca,  heshiiskii dekeda Bosaaso oo u sheegay in uu dib-u-eegis ku sameyn doono haddii uu xilka ku guulaysto, hoos-u-dhaca dhaqalaaha Puntland,  iyo hirgalinta nidaamka asxaabta badan ee qof iyo cod.

Waa markii labaad oo uu Cali Xaaji Warsame uu isku soo taago doorashada madaxweynaha Puntland, sanadkii 2014kii  ayey ahayd markii  uu Cali Xaaji isku soo taagay xilkan balse uusan ku guulaysan .

Haddaba wariyaha Daljir ee Bossaso Xasan Heykal ayaa warbixintan ka diyaariyey.

 


by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com