Musharrax Cali Xaaji oo Badhan si weyn lagu soo dhaweyeey (Sawiro)

HomeWararkaOlolaha Doorashooyinka Puntland - Cali Xaaji 2019

Musharrax Cali Xaaji oo Badhan si weyn lagu soo dhaweyeey (Sawiro)

Musharrax Madaxweyne 2019 Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa maanta si weyn lagu soo dhaweyeey Magaaladda Badhan ee gobalka Sanaag. Cali xaaji Warsame

Musharrax Cali Xaaji Warsame oo wareysi uu siiyey Radio Daljir ku bayaamiyey doorashada Puntland iyo damaciisa waxqabasho haddii la doorto (dhegayso)
Sidee loogu soo dhaweeyay Cali Xaaji magaalada Garoowe (dhegayso)
Murrashax Cali Xaaji Warsame iyo Baahida Shacabka Birta dheer (Daawo)

Musharrax Madaxweyne 2019 Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa maanta si weyn lagu soo dhaweyeey Magaaladda Badhan ee gobalka Sanaag.

Cali xaaji Warsame Gudaha magaaladda Waxaa kusoo dhaweyeey dadweyne farabadan oo lulayeey calanka Puntland,kuwaas oo ku dhawaaqayeey erayo ay kamid yihiin Madaxweyne soo dhawoow iyo erayo kale oo so dhaweyn ah.

Musharraxa ayaa dadweynaha kula hadlay Bartamaha Magaaladda Badhan isago ka mahadceliyeey sida ay ugu soo dhaweyeey xili qoraxdu kulushahay Magaaladda Badhan e gobalka sanaag.

Sido kale Musharrax Madaxweyne Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa Booqday soo dhaweynta kadib Hoyga Suldaan Cabdisalaan,isago salaan ugu tagay,waxayna iska waraysteen xaaladda Puntland iyo qorshaha siyaasadeed ee Musharrax Cali Xaaji Warsame.

Musharraxa ayaa safaro ku marri doona gobaladda Karkaar iyo bari,isago hadda ku sugan caawana ku hoyan doona Magaaladda Badhan ee gobalka sanaag Puntland Somaaliya.

Hoos kadaawo Sawiradda soo dhaweynta Musharrax Madaxweyne Puntland 2019 Cali Xaaji warsame.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: