Musharixiintii ugu horaysay oo isu diiwaangelisey doorashada madaxweynaha.

Muqdisho, Jan 26 2017-Musharrax Madaxweyne Sheekh Shariif Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharraxii ugu horreeyey ee iska diiwaangeliya xarunta diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharixii ugu horeeyey ee gudbiyey dhammaan waxyaabihii looga baahnaa ee musharraxnimadiisa, waxaana uu noqday shaqsiga Koowaad ee isdiiwaangeliyey.

Musharraxiin kale ayaa maanta iyaguna la sugayaa iney iska diiwaangeliyaan xaruinta diiwaangelinta doorashada, iyadoo wixii maanta ka bilowdana howlaha doorasho ee madaxweyne la gelayo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com