Musharixiinta Puntland ee Focus Group oo ka hadlay safarka Kheyre ee Puntland

Warsaxaafadeed ay soo saareen Murashixiinta u loolamaysa Madaxtinimada Puntland ee ku midoobay Focus Group aya si adag uga hadlay safarka Khayre iyo arrinka Dekedda Garacad.

Arbaca, August 1, 2018.

1 Waxaa xusid mudan sidii qiimaha badneyd iyo hab-mamuuskii aan kala harka lahayn ee RW Xassan Kheyre loogu soo dhoweeyey Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaaladda Qardho, taasoo muujineysay xushmadda reer Puntland u hayaan dowladnimada Soomaaliyeed iyo madaxda dalka ee heer Qaran, hase yeeshee ay bedelkeedii hungo ku mutaysteen.

2 Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qaybgalka iyo dhagaxdhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer.

3 Waxay artintani su’aal weyn gelinaysaa xiriirka iyo niyadsamida Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ka dhexeeya.

4 Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland.

5 Puntland Focus Group waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in Madaxweynaha Dawladda Puntland awoodi waayey, kuna guul daraystay, in uu ku qanciso RW Xassan Khayre in uu dhagax dhigo Dekadda Gara’cad.

6 Waxaan shacabka reer Puntland ugu baaqeynaa midnimo, isku duubni iyo isku tashi.

DHAMMAAD


Posted

in

by

Tags:

Comments

2 responses to “Musharixiinta Puntland ee Focus Group oo ka hadlay safarka Kheyre ee Puntland”

  1. Axmed daahir

    Mucaaradka fikirkooda kaliya wuxuu arkaa khaladka dawlada ookaliya maxay tahay sababta ay u arki waayaan waxa fcn

  2. cabdishakuur

    War iskudir xumaa nimanku ,,, alla siyaasad yaraa

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com