Musharixiinta Muqdisho ku shirsan oo eedeyn u jeediyeey DFS

Musharixiinta Muqdisho ku shirsan oo eedeyn u jeediyeey DFS

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maalintii Shanaad oo xiriir ah waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho, iyaga oo ka hadlayay Arrimaha doorashooyinka iyo walaac ay ka qabaan Guddiyada doorashooyinka.

Maanta ayaa qorshuhu ahaa in Shirka la soo geba-gabeeyo, hayeeshee waqti dheeraad ah ayaa lagu daray sababo la xiriira wadatashiyada ay musharixiinta la yeelnayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo dadka saameynta leh oo weli socda.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Ridwaan Xersi Maxamed ayaa sheegay in musharixiinta ay aad uga doodeen, halka dalka uu ku socdo halka uu ka yimid iyo sida laga yeelayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maalmihii uu Shirka socday ay isla eegeen waxyaabo badan oo uu sheegay inay ku fashilantay Dowladda Madaxweyne Farmaajo, sida wax ka qabashada Ammaanka, Dhaqaalaha, Dastuurka dalka, iyo maqaamka Muqdisho.

Ugu dambeyn Afhayeenka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Ridwaan Xersi Maxamed waxaa uu sheegay in waxyaabihii ay ka hadlayeen maalmihii la soo dhaafay iyo Go’aankooda ay ku sheegi doonaan Warmurtiyeedka ay Maalinta berito ah soo saari doonaan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com