Musharixiinta madaxwaynaha Puntland iyo issimada oo buriyay go’aankii lagu mamnuucay inay madaxda faderaalka imaan karaan Garoowe

Musharixiinta madaxwaynaha Puntland iyo issimada oo buriyay go’aankii lagu mamnuucay inay madaxda faderaalka imaan karaan Garoowe

Kulan issimada iyo musharixiinta madaxwaynaha Puntland ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe ee caasumadda  Puntland  ayaa lagu buriyay go’aankii guddiga amniga ee doorashooyinka Puntland ay horay uga mamnuuceen inay Puntland yimaadaan madax kasocda dowladda faderaalka iyo howlwadeenada madaxtooyada.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen inta badan issimada iyo musharixiinta ayaa waxaa shir guddoomiyay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah issimada Puntland.

Go’aamada kasoo baxay waxaa ka mid ah kulanka inay imaan karaan masuuliyiinta dowladda faderaalka iyo cidkasta oo aan dambi ka gelin Puntland, in shirkadaha xawaaladaha ay shaqayn karaan oo lacagaha loo soo diri karo oo shaqooyinkoodii hore waxba iska badalin, in lagu kalsoonaado doorashada Puntland iyo in ammaanka laga wada shaqeeyo.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com