Musharixiinta jamhuuriga ee Mitt Romney iyo Rick Santorum oo madaxa iskula galay gobolka Ohio.

Washington,Mar 7 -Murashaxiinta ugu cadcad magacaabista xisbiga jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada ee Maraykanka eek ala ah Mitt Romney iyo Rick Santorum ayaa loolan adagi ku dhexmaray gobolka Ohio tartankii ? super Tuesday? oo shalaytoole ka dhacay 10 gobol oo maraykan ah.

Mitt Romney ayaa ku guuleystay gobolada Idaho, Massachusetts, Vermont ,Virginia iyo Alaska ,iyadoo Rick Santorum uu isaguna ku badiyey gobolada Oklahoma, North Dakota iyo Tennessee.

Codadka gobolka Ohio ayaa loo kala helay sidatan

Ohio

Source: AP

Romney 38%
Santorum 37%
Gingrich 15%
Paul 9%

95% codadka la tiriyey

isla xilligan afhayeenkii hore congress-ka maraykanka Newt Gingrich ayaa ku guuleystay gobolka uu ka soo jeeo ee Georgia.

Qofka ku guuleysta ergooyinka ugu badan ee gobolada Maraykanka ayaa noqonaya murashaxa jamhuuriga ee matalaya tartank aqalka ee cad ee Maraykanka , waxana murashaxaasi uu waajahayaa madaxweyne Obama marka la gaadho doorashada madaxtinimada ee dalka Maraykanka bisha November ee soo socota.

madaxweyne Obama ayaa isagu ka sharxan xisbiga Dimuquraadiga ee dalka Maraykanka.

Tartanka ugu adag ee doorashada jamhuuriga ayaa imika dhexmaraya badhasaabkii hore ee gobolka Massachusetts ( Masajuusitis) Mitt Romnet iyo Senator-kii hore ee gobolka Pennsylvania Rick ?Santorum ? waxana Mr. Santorum uu taageero badan ka helayaa dhinaca qolyaha muxaafidka ah,murashaxani ayaa sidoo kale ku ad-adag arrinta Militariga Maryakanka.

Mitt Romney oo loo badinayo in uu noqdo murashaxa madaxweyne Obama kula loolamaya aqalka cad ee maraykanka ayaa waxaa cadaadis kaga imanaya qolyaha muxaafidka ah oo isaga ku tilmaamay nin qunyar socod ah oo debecsan.

Murashaxa ku guuleysanaya magcaabista xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada ee dalka maraykanka ayaa ayaa laga doonayaa in uu helo 4,444 ergo o gobolada ah .

Ergooyinka ay Murashaxiintu ka heleen gobolada ayaa kala ah:

Mitt Romney 386
Rick Santorum 156
Newt Gingrich 85
Ron Paul 40

Abdirashiid Muusse
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com