Musharixiinta Doorashada 20/21 oo maanta ka tashanaya sidii ay u midoobi lahaayeen!

Musharixiinta Doorashada 20/21 oo maanta ka tashanaya sidii ay u midoobi lahaayeen!

Maanta oo Sabti ah kuna beegan 21-ka November 2020 waxaa Magaalada Muqdisho ka furmaya Shirka wadatashiga Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya Doorashada 20/21 oo soconaya 21-ka ilaa 23-ka November 2020.

Qodobada ay ka tashanayaan Musharixiinta waxaa kamid ah: Sidii ay u xoojin lahaayeen kulamadii ugu dambeeyay ee dhexmaray si ay u yeeshaan go’aan mideysan oo ay ku wajahayaan Doorashada 20/21 oo bisha December bilaabaneysa sida qorshuhu yahay.

Sidoo kale waxa ay ka baaraandegayaan qorshe siyaasadeedka ay ku galayaan Doorashada dalka haddii la fuliyo dalabaadka ay ka gudbiyeen dib ugu laabashada Guddiga maamulaya Doorashada 20/21 & haddii aysan suuragelin.

Xalay waxaa Muqdisho kulamo gaar gaar ah ku yeeshay musharixiinta Xildoonka ah, waxaana ay diiradda saareen qodobada ugu muhiimsan ee Shirkaan maanta uga furmaya Gobolka Banaadir & shaqsiyaadka ka qaybgalaya.

Shirka wadatashiga Midowga Musharixiinta ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo wadatashi musharixiinta & sida ay igu qanacsan yihiin, maadaama loolan adag ay la galayaan Madaxda talada heysa oo markale damacsan in ay xafiiska sii joogaan 4-sano oo kale.

Muqdisho waxaa ka socda abaabulka Doorashada Soomaaliya 20/21, kulamada & dhaq-dhaqaaqa ugu badan waxaa sameynaya Siyaasiyiinta Xildoonka ah, inkasta oo aysan ka marneen Madaxda DFS.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com