Musharixiin Shuruud ku xiray ka qayb galka doorashooyinka Galmudug

Musharixiin Shuruud ku xiray ka qayb galka doorashooyinka Galmudug

Kadib kulan ay Afarta Musharax ay ku yeesheen Hoyga uu Magaalada Dhusamareeb ka degan yahay Musharax Cabdiraxmaan Odawaa ayaa waxaa ay Shuruud ku xireen ka qeyb-galka doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Musharaxiinta oo kala ah Odawaa, Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere iyo Wehliye ayaa ka qaybgalka doorashada la filayo in ay khamiista Ka dhacdo Dhuusamareeb ku xirey Shan Shuruudood,kuwaas oo kala ah.

1-In la xaliyo dhamaan muaranada jira ee u dhaxeeya saamilayda Siyaasadda Galmudug.

2- In Ahlusunna Wal-Jamaaca ay qayb ka noqoto qaybaha dhiman ee doorashada.

3- In la baabi’yo guddiga doorashada Madaxwaynaha ee hadda jira iyo in la isukeeno saamilayda siyaasadeed laguna heshiiyo waqtiga doorashada.

4-In guddoonka blBaarlamaanka uu xildhibaanada u ogolaado in ay si xor ah ula kulmi karaan musharixiinta Madaxwaynaha iyadoo aanay jirin wax cadaadis ah ama hanjabaad ah.

5-In Doorashadu noqoto xor iyo xalaal islamarkaana gacan saddexaad ay goobjoog Ka noqoto.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com