Musharaxiinta guddoomiyaha baarlamaanka oo isdiiwaan gelinaya maanta

Musharaxiinta guddoomiyaha baarlamaanka oo isdiiwaan gelinaya maanta

Musharixiinta u tartamaya hogaanka Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa inay isku soo diwaan geliyaan guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada guddoomiyaha Aqalka Hoose ayaa lagu sheegay diiwaan galinta inay socon doonto 23ka-24ka bisha, waxaana doorashada la filayaa inay dhacdo 30ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota.

Qabanqaabo kusaabsan doorashada ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana musharixiinta ku jira xubno ka mid ah golaha wasiirada ee Soomaaliya, guddiga doorashada ayaa ka dalbaday wasiirada doonaya inay xilkan ay qabtaan inay soo gudbiyeen warqad ay ku cadaynayaan inay iska casileen xilalka ay hayaan, kahor inta aanay u tartamin jagada guddoomiyaha baarlamaanka oo ka mid ah xilalka ugu sareeya ee dowladda Soomaaliya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com