Musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre “Waxaan ka digayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho aan heshiis lagu aheyn”

HomeWararka

Musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre “Waxaan ka digayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho aan heshiis lagu aheyn”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shacabka ay walaac ka muujinayaan xaaladda siyaasadeed ee uu haatan dalka haa

Shir muhiim ah oo ka furmay Muqdisho
WARGALIN: BARNAAMIJKA MADASHA DALJIR & MARTIDA MAANTA
Warka Fiidnimo iyo Zubayr Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shacabka ay walaac ka muujinayaan xaaladda siyaasadeed ee uu haatan dalka haatan marayo xilli ay socdaan howlaha doorashada.

Wuxuu ka digay dhibatooyinka ka dhalan kara haddii lagu heshiin waayo qaabka ay u dhaceyso doorashada.

“Si aan uga foggaano qalalaase dalkan ka dhaca, si dowladnimada aanay gadaal ugu dhicin si ummadda soomaaliyeed aanay u niyad jebin waxaa muhiim ah in dalka ay ka qabsoonto doorasho la isla ogolyahay”

“Haddii aan lagu heshiin nidaamka doorasho oo aan lagu wada qanacsanaan, lagu heshiin mayo dowladnimada ka dhalata, sidaas daraadeed ayay muhiim tahay in aan ka baranno taariikhdii lasoo dhaafay iyo tan maanta ka taagan dunida oo ay ugu horreeyaan dalalka deriskeena gaar ahaan Itoobiya oo qalalaasaha hadda ka taagan loo aaneynayo inay salka ku heyso doorasho dib loo dhigay ama lagu heshiin waayay”

Hadalkan ayuu ka shegay maanta xili si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: