Musharax Madaxweyne Puntland Col Jabriil oo Garoowe gaaray (dhegayso)

Musharax Madaxweyne Puntland Col Jabriil oo Garoowe gaaray (dhegayso)

Musharaxa Madaxweynaha Dawladda Puntland sannadka 2019-ka Col : Jibriil Maxamed Yuusuf ayaa soo gaaray markii ugu horraysay deegaanada Puntland waxaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe Caasimada Dawladda Puntland ..

Mudane Jibriil ayaa kamid ah Musharixiinta ilaa hadda ugu cad cad inta u taagan inay u tartamaan qabashada madaxtinimada Dawladda Puntland sannadka 2019-ka .

Musharax ayaa markii uu soo gaaray magaalada Garoowe waxaa uu Barxada kula hadlay Dadweyne tirro badan oo u soo baxay soo dhawayntiisa waxaana uu ka hadlay horumarka dalka iyo Difaaca .

Col: Jibriil Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Midnimada iyo jiritaanka Puntland iyo Soomaaliya uu yahay Muqadas, waxaana sidoo kale uu tilmaamay in difaaca iyo xorraynta dhulka Puntland uu yahay mid waajib ah .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com