Musharax Cali Xaaji Warsame oo Gaalkacyo kusoo bandhigay waxqabadkiisa (dhegayso/sawiro)

Musharax Cali Xaaji Warsame oo Gaalkacyo kusoo bandhigay waxqabadkiisa (dhegayso/sawiro)

Musharax Madaxweyne Puntland 2019 Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa maanta Magaaladda Gaalkacyo ku qabtay Munaasabad balaaran oo uu kusoo bandhigayeey waxqabadkiisa hadii uu ku guulaysto kursiga Madaxtimadda Puntland 2019.

Munaasabada shaacinta waxaa ka qaybgalay Nabadoono,Haween,dhalinyaro,Aqoonyahano,iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda gobalka Mudug,iyaddo Musharax Cali Xaaji aad lagu amanay sida uu ugu xog ogaalsanyahay xaalka Puntland iyo sida uu u badali karro Amniga Guud ee Puntland.

Qaar kamid ah Nabadoonadii iyo Aqoonyahanadii Munaasabada ka hadlay Ayaa ku amanay Mudane Cali Xaaji sida uu uga war hayo xaladda dalka,isla markaana waxay shegeen in Cali Xaaji hadii la doorto isbadal dhab ah uu u horseedi doono shacabka Puntlland.

Codadka Nabadoonada

Mudane Cali Xaaji oo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyeey Munaasabada ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo dhamaan dhalinyaraddi ka qayb qaatay diyaarinta Munaasabadiisa uu ku shaacinayo inuu yahay musharax Madaxweyne Puntland 2019.

Cali ayaa ka shekeyeey hankiisa Hogaanka Puntland iyo Himilooyinka ay shacabka Puntland leeyihiin,isago ka shekeyeey marlaxadihii Puntland ay soo martay.

Wuxuu sheegay in Puntland aysan haysan Hogaan addag haysan,isla markaana shalay Puntland ay lahayd Ciidan diyaarsan,shacab diyaarsan,balse Puntland la dhex galay oo lakala fogeyeey shacabkii,wuxuuna shegay in Puntand u bahaantahay hogaamiye han leh oo jeebkiisa ka weyn.

Khudbadda Cali Xaaji oo dhamaystiran

Sawiradda Xafladdii Gaalkacyo maanta

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com