Site icon Radio Daljir

Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo walaac ka muujiyay doorashooyinka Somaliland (dhegayso)

Musharaxa xibsiga Wadani ee madaxtinimada Somaliland ayaa ka hadlay doorashooyinkii kadhacay deegaamada Somaliland iyo rabshadaha ka bilowday magaalooyin ka mid ah Somaliland.

Isagoo goordhowayd warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargaysa ayaa waxaa uu muujiyay walaac la xiriira doorashooyinka Somaliland, isagoona shaki wayn ka muujiyay sanaadiiqda qaar ee doorashooyinka.

Waxaa uu sheegay cabashooyinka inuu u gudbiyay guddiga doorashooyinka, balse uu helin ilaa iyo hadda wax jawaab ah.

Musharaxa ayaa sheegay inuu aqbali doonin cod xaaraan ah in cid ay ku badiso.

Musharaxa ayaa ugu dambayntii usoo jeediyey taageerayaashiisa inay isdejiyaan oo ay nabadda ilaaliyaan.

Halkaan kadhegayso

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5a0dd100030100b51451a88c/Musharax+Cirro1.mp3?_=1

 

Exit mobile version