Site icon Radio Daljir

Muqtaar Roobow Abu Mansuur oo gaaray Magaaladda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa Maanta lagu soo dhaweeyay Wadaadka Sheekh Muqtaar rooboow Cali Abuu Mansuur oo 13,kii Bishii August isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Booqashadan ayaa waxa ku wehliya wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdi Rashiid Cabdullaahi Maxamed,waxana Baydhabo ku soo dhaweeyay, Wasiiro, Xildhibaano,Odayaasha Dhaqanka, Maamul Gobolka Iyo Degmada Baydhabo iyo Dadweyne fara badan.

Muqtaar Rooboow ayaa hadal kooban uu siiyay Warbaahinta waxa uu sheegay in inta uu joogo Baydhabo uu la kulmi doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo masuuliyiinta kale iyo qeybaha kala duwan ee Bulsahda.

Exit mobile version