Site icon Radio Daljir

Muqdisho: Ciidanka Ammaanka oo Fashiliyey Qarax Saraakiil lagu Dili lahaa (Sawirro)

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa fashiliyey maanta qarax lagu soo xiray gaari u lahaa sarkaal ka tirsan ciidankaas oo marayey agagaarka Ex-kuliyadii Siyaad oo ku taalla wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray oo u watay sarkaalkii lahaa ayaa waxa agagaarka Kuliyadda Jaalle Siyaad ku joojiyey gaari kale oo u watay nin ay saaxiibo ahaayeen kaasoo weydiistay beteriga lagu xiro gaadiidka.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu joojiyey gaariga si uu beteriga ugu soo bixiyo saaxiibkiis balse inti iu ku howlanaa raadinta beteriga ayaa waxaa gaariga u watay hoostiisa lagu arkay miino lagu xiray oo qorshuhu ahaa in isaga lagu qaarajiyo.

SAWIRRO

Exit mobile version