Muqdisho: Wasiirka Maaliyadda Beyle oo la kulmay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Muqdisho: Wasiirka Maaliyadda Beyle oo la kulmay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka C/raxmaan Ducaake Beyle ayaa manta xarunta wasaaradda ee Magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeesdhay Kristina Svensson oo ah wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda, Mashruucayada horumarineed ee bankiga uu ka wado Soomaaliya iyo dadaalada Wasaaradda Magaalada ee ku aadan sare uqaadidda dakhliga gudaha.

“Wadahadal keennu wuxuu si gaar ah ugu qotomay dib-u-habeynta Maaliyadda, Mashruucayada horumarineed ee bankiga uu Soomaaliya ka wado iyo dadaalada Wasaaradda Magaalada ee sare uqaadidda Dakhliga gudaha Bankiga Aduunku waa saaxiib muhiim u ah horumarka dhaqaalaha Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Beyle.

Kulankaasi u dhaxeeyay madaxda Bangiga Dunida iyo Wasaaradda maaliyadda,waxa uu ku soo gabagaboobay jawi heer sare ah, iyadoo diiradda la saaray sidii maamulka Gandhiga uu gacan uga geysan lahaa horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com