HomeUncategorized

Muqdisho: R/wasaare Gaas oo magacaabay xukuumad ka kooban 18 wasiir oo cusub.

Caption ...

Dhagayso Siyaasi Cali Xaaji: Munaasib ma’ahan in hadda Xassan Shiikh uu Puntland yimaado.
DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Maxamuud
Read horn of Afrika oo in ka badan 890 Ari ah ku wareejisay guddiga gurmadka Puntland (Dhegeyso)

Muqdisho, July 20 ? R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ?Gaas? ayaa goordhawayd ku dhawaaqay magacyada golaha cusub ee wasiirrada Soomaaliya kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 18 wasiir.

R/wasaare Gaas, ayaa magacyada wasiirradaan ka shaaciyey shir jaraa?id oo uu ku qabtay aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasi oo ay goob jooga ka ahaanyeen war-baahinta gudaha iyo dibadda.

Wasiirrada cusub ee uu hadda ku dhawaaqay R/wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa badan koodu ah kuwo ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya kuwaasi oo ku yimid wadahadal maalmo badan qaatay oo u dhexeeyey madaxda dawladda kaddib markii la isku mariwaayey xulashada wasiirrada oo horay loo filayey in ay qayb-weyn ka ahaan-doonaan wasiirradii R/wasaare Farmaajo.

Liiska wasiirrada cusub.

1- Mudane Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille) – Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta

2- Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim – Ra?iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda

3- Mudane Xuseen Carab Ciise – Ra?iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

4- Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif – Ra?isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.

5- Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan – Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.

6- Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta.

7- Marwo Caasho Cismaan Caqiil – Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska.

8- Mudane Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur – Wasaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolaha.

9- Mudane Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf – Wasaaradda Caafimaadka.

10- Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed – Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta.

11- Mudane Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal – Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga.

12- Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim – Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda & Bay?adda.

13- Mudane Aadan Cabdullaahi Aadan – Wasaaradda Gaadiidk Circa, Dhulka, Badda & Dekadaha.

14- Mudane Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil – Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta.

15- Mudane Jaylaani Nuur Iikar – Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta & Dib-u-dhiska.

16- Mudane Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow – Wasaaradda Macdanta, Biyaha & Batroolka.

17- Mudane Prof. Axmed Caydiid Ibraahim – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare.

18- Madane, Cabdullaahi Goodax Barre – Wasaaradda Qorsheenta & Iskaashiga Caalamiga.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.


R/wasaare Gaas oo lagu wado in uu maanta ku dhawaaqo golaha cusub.

Muqidishi, July 20 – Waxaa maanta la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo golaha wasiirrada ee dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya kaddib markii toddobaadkii ugu dambeeyey uu socday wadatashi ay lahaayeen madaxda sar sare ee dawladda kaasoo ku aaddanaa xulshada xubnaha xukuumadda.

R/wasaare Cabdiweli Maxamwed Cali Gaas, ayaa lagu wadaa saacadaha innagu soo aaddan in uu shaaciyo magacayada wasiirrada cusub ee dawladdiisa kuwaasi oo loo badinayo in ay u badnaan doonaan rag ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya.

Inkastoo aysan jirin hubanti dhab ah oo caddaynaysa magacaabiddu in ay maanta dhici-doonto haddana warar aannu ka helnay ilo kala duwan ayaa muujinaya suurgalnimada ku dhawaaqidda golaha ee maanta.

Madaxda dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya sida M/weynaha, R/wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa toddobaadkii u dambeeyey lahaa kulamo aan loo kala kicin oo ku saabsanaa nidaamka xulashada xubnaha ka mid noqonaya golaha wasiirrada ee R/wasaare Gaas.

Mas’uuliyiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay aad ugu kala qaybsanaa cidda ka mid noqonaysa golaha wasiirrada taasoo noqotay caqabadda koowaad ee dib u ridday magacaabidda wasiirrada oo wakhti hore la filayey, waxaana jirtay wax kala shaxeexaysi madaxda ku kala jiray iyadoo midkasta uu si gaar ah u watay xuno uu damacsanaan in ay ka mid noqdaan golaha cusub.

Dadka wax saadaaliya ayaa tilmaama maadama ay adkaatay magacaabidda xubnaha wasiirrada, loona badinayo in la maro waddo cusub oo ay suurtagal tahay in aysan xukuumadda ka dhex-muuqan wasiiradii dawladdii Farmaajo oo wax-qabad loo tirinayey, in ay iyana adkaandoonto sida ay uga tallaabaan ansixinta baarlamaanka.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: